Sidee U Maalgashan Kartaa Naftaada

Inaad naftaada maalgashato waa tallaabada ugu horreysa ee aad u qaadayso horumar shakhsiyeed iyo guul waarta. Maalgashiga nafta micnaheedu waa in aad waqti, dadaal, maskax iyo dhaqaale ku bixiso kobcinta naftaada. Waxaa lagu gaari karaa adigoo horumariyo aqoontaada, xirfadahaaga, maskaxdaada, caafimaadkaaga iyo guud ahaan hab nololeedkaaga.

1. Aqoon Kororsi 

Waa Furaha Horumarka Nafta

Aqoonta waa lafdhabarta horumarka shakhsi. Si aad naftaada u horumariso, waa in aad si joogto ah u raadisaa aqoon cusub. Waxaad bilaabi kartaa:

  • Akhrinta buugaag ku saabsan horumarinta nafta iyo dhaqaalaha
  • Dhagaysiga podcastyo wax-barasho ah
  • Diiwaan-gelinta koorsooyin online ah oo bilaash ah ama la bixiyo
  • Ka qeybgalka seminaaro ama tababaro xirfadeed

learn from fuilure

2. Barashada Xirfad Cusub 

Waa Maalgashi Dhaqaale iyo Maskax-ba leh

Inaad barato xirfad cusub waxay kuu fureysaa albaabyo cusub oo shaqo iyo dhaqaale. Maanta waxaa jira xirfado badan oo laga barto internet-ka sida:

  • Barnaamijyada kombuyuutarka
  • Suuqgeynta dijitaalka ah (digital marketing)
  • Turjumaada, qoraalka, naqshadeynta
  • Maareynta mashruuca iyo xog falanqaynta

Xirfaduhu waxay kordhiyaan qiimahaaga suuqa shaqada iyo fursadaha ganacsi ee aad abuurto. Waa maalgashi kaa caawinaya inaad ka gudubto duruufo adag oo dhaqaale.

start

3. Waqtigaaga wax  faa’iido kuuleh ku bixi

Waqtigu waa hantida ugu qaalisan ee aad leedahay. Maalin kasta waxaad haysaa 24 saacadood, balse sida aad u isticmaasho ayaa go’aamineysa guushaada. Si aad naftaada u maalgashato:

  • Qorshee maalintaada maalin walba
  • U kala hormari hawlaha muhiimka ah
  • Yaree waqtiga lagu bixiyo baraha bulshada
  • Samee jadwal gaar ah oo waxbarasho iyo nasasho ah
Ka faa'iidayso wakhtiga
Close up alarm clock on desk, businessman wearing suit using laptop, working with correspondence on background, entrepreneur involved in working process, workday, time management concept

4. Ka shaqee caafimaadkaaga 

Caafimaadka Maskax ahaan iyo Jir ahaanba 

Caafimaadka wanaagsan wuxuu muhiim u yahay maalgashiga nafta. Jir caafimaad qaba iyo maskax firfircoon waxay kuu ogolaanayaan inaad ka shaqayso yoolalkaaga si hufan. Waxa aad sameyn kartaa:

  • Jimicsi maalinle ah, xitaa 15 daqiiqo
  • Cunto isku dheelli tiran cun
  • Nasasho kugu filan qaado (hurdada ha dayicin)
  • Ka feker wanaagga nolosha (positive thinking)

horumar

5. Naftaada aamin oo himilo cad u daji

Haddii aadan naftaada rumaysan, cid kale kuma rumeen doonto. Rumaynta nafta waa saldhigga horumarka. Waxaa muhiim ah in aad:

  • Isku kalsoonaato
  • Naftaada ku dhiirrigeliso erayo togan
  • Yeelato himilo cad iyo qorshe aad ku gaarto
  • Ka baratid guuldarrooyinka halkii aad uga niyad jabbi lahayd

Naftaada rumaynta waxay kuu furaysaa waddooyin cusub. Waa hanti aan la arki karin balse si dhab ah u jirta.

Passive income

Gunaanad:

Ma Maalgashatay Naftaada Maanta?

Maalgashiga naftaadu waa mid kaa dhigi kara qof leh nolol tayo leh, maskax furan, dhaqaale joogto ah iyo kalsooni buuxda. Ma aha wax la sugo ilaa berri, balse waa wax laga bilaabo maanta. Qof kasta wuu maalgashan karaa naftiisa, xitaa haddii aanu heysan lacag badan, waxa keliya ee loo baahan yahay waa niyad, go’aan iyo tallaabooyin yaryar oo joogto ah.

Marka bal su’aasha dib u fiiri
Ma naftaada ayaad maanta maalgashatay mise weli waad sugaysaa?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *