Sida Ugu Fiican Ee Wakhtiga Looga Faa’iidaysto.

hab fikirku waa furaha guusha

Waqtigu waa hibo Alle si siman ugu deeqay qof kasta maalqabeen iyo miskiinba, waayeel iyo dhallinyaraba. Laakiin farqiga u dhexeeya guul iyo guuldarro waxa gooya sida aan waqtigeena u maamulno.

Qof walba wuxuu leeyahay 24 saacadood maalintii. Su’aashu waxay tahay: sidee ayaad u isticmaashaa saacadahaas?

Waxaa laga yaabaa inaad tidhaahdo “waqti ayaan haystaa”, laakiin run ahaantii, daqiiqad kasta oo tagta ma soo noqoneyso. Mar kasta oo aad dib u dhigto hamigaaga, fursad ayaad lumisay. Mar kasta oo aad isdhaafiso waqti aad la qaadan lahayd dadka aad jeceshahay, waxaad luminaysaa xusuus qaali ah.

Maxay Tahay Sababta Loo Maareeyo Waqtiga Si Wanaagsan?

Waqtigu waa noloshaada oo kooban.

Wax kasta oo aad rabto inaad gaadho waxay ku xidhan yihiin sida aad u isticmaasho waqtiga.

Ma jirto cid sugeysa inaad diyaar noqoto  adiga ayaa mas’uul ka ah inaad maanta bilowdo.

Talooyin Fudud oo Kuu Sahlaya Inaad Waqtigaaga Si Hufan Uga Faa’iidaysato:

Hadaf cad yeelo: Ogow waxa aad doonayso inaad gaadho.

Mudnaanta kala hormari: Wax walba ma qaban kartid; dooro waxa muhiimka kuu ah.

Iska ilaali mashquulka aan micnaha lahayn: Xaddid isticmaalka social media iyo waxyaabaha kale ee waqtigaaga dhuminaya.

Qorshe maalinle ah samee: Maalin kasta go’aanso waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad qabanayso.

Naftaada edebso: Waqtigaaga u isticmaalo waxyaabaha dhabta kuu anfacaya, xitaa marka aad caajisto.

Gabagabo:

Waqtigu waa dahab. Mar kasta oo aad si xigmad leh u isticmaasho, waxaad dhisaysaa nolol buuxda oo aad adigu ku faani doonto.
Ha sugin berri ee maanta bilow.

Waqtigaaga waa noloshaada! Maanta go’aan ka gaadh: ma waxaad noqon doontaa qof riyadiisa gaadha mise qof waqti iska lumiyay?