Dadka badankooda waxay door bidaan inay ku noolaadaan xaalado deggan oo ay ku dareemaan raaxo iyo amni. Laakiin xaqiiqdu waxay tahay in aagga raaxada (comfort zone) uu yahay mid kuu celin kara, kaana hor istaagi kara inaad ku kororsato xirfado cusub iyo inaad gaarto riyadaada.
Daraasaad-yo badan ayaa muujinaya in dadka ka baxa aagga raaxada ay gaaraan horumar muuqda halka kuwa ku sii nagaada ay la kulmaan inay joogaan meeshooda islamarkaana noqdaan horumar la’aan. Qormadan waxaan ku eegeynaa sababta aagga raaxadaada uu kuu celinayo iyo sida ugu wanaagsan ee aad uga baxsan karto iyadoo tusaalooyin nool iyo daraasaadyo lagu xoojinayo.
Waa Maxay Aagga Raaxadu?
Aagga raaxada waa xaalad maskaxeed iyo nololeed oo qofku ku dareemayo deggenaansho sababtoo ah wuxuu ku sugan yahay jawi uusan ka filaneyn wax halis ah, culeys ah ama waayo-aragnimo cusub.
Tusaale: Waa sida shaqsiyaadka sanado badan ku shaqeynaya isla booska iyagoo aan isku dayin inay dalbadaan xil ka sarreeya sababtoo ah waxay u arkaan inay shaqadoodu tahay mid ku filan oo aysan ka doonayn wax intaas ka badan. In kasta oo ay ku jiraan jawi deggan haddana sida iska cad ma helayaan horumar shaqsiyadeed ama xirfadeed.
Daraasaad Ku Saabsan Aagga Raaxada
Daraasad ay sameeyeen Dr. Robert Yerkes iyo John Dodson sanadkii 1908 ayaa muujisay in dadka ay horumar ka gaaraan waxqabadkooda marka ay ka baxaan aagga raaxada oo ay soo galaan xaalad dhexdhexaad ah oo culeys ah. Waxay ku sheegeen “Arousal Theory” in waxqabadka qofku uu hoos u dhaco marka uu ku jiro raaxo buuxda laakiin uu kordho marka uu dareemo culeys yaryar oo dhiirrigelin ah. Tani waxay caddaynaysaa in horumarka ugu badan lagu gaadho marka qofku ka baxo xaalada nabadgelyada ee caadiga ah taas oo aan lahayn wax isku day ah oo cusub.
Waa maxay sababaha aagga raaxada kuu celinayo
1. Waa Xadidaada Kobacaaga Shaqsiyadeed iyo Xirfadeed.
Marka aad ku sii sugnaato xaalado kugu dareensiinaya raaxo ma isku dayaysid wax cusub. Tani waxay keentaa inaad ku sii nagaato isla heerka aad joogto oo aanad ku korin aqoontaada.
Tusaale: Haddii aad baratay xirfadda Excel oo aasaasi ah laakiin aad ka baqdo inaad barato barnaamijyo cusub sida Python ama Power BI, markaa waxaad seegaysaa fursado shaqo oo qiimo badan leh islamarkaana wax wayn kusoo kordhin lahaa noloshaada.
2. Waxay kaa celinaysaa La Qabsiga Cabsida iyo Halisaha.
Dad badan waxay ka baqaan inay wajahaan cabsida taasoo ay door bidaan in aysan isku dayin waxyaabo halis ah. Laakiin in aad kasoo gudubto cabsidaas ku meel gaadhka ah ayaa ah waddada guusha.
Tusaale Nool: Michael Jordan oo ah mid ka mid ah ciyaartooydii ugu fiicnaa kubbadda koleyga, wuxuu yiri: “Waxaan ku guuldarraystay in ka badan 9,000 oo jeer oo aan isku dayay, waana taas sababta aan u guulaystay.” Jordan wuxuu ka baxay aagga raaxadiisa oo uu ku tiirsanaa cabsida uu dareemayay markii uu guuldarro la kulmo. Laakiin taasi waxay ahayd sababta uu u noqday halyeeyga aad taqaano maanta.
3. Waxay kaa fashilisaa inaad la kulanto fursado cusub.
Haddii aad ku sii nagaato xaalad deggan, waxaad iska luminaysaa fursado cusub oo noloshaada wax wayn ka beddeli kara. Tusaale ahaan inaad iska diido dalabyo shaqo oo kaaga baahan inaad u guurto meel cusub oo aad la qabsato nolol cusub.
Daraasad Tusaale Ah: Daraasad uu sameeyay Harvard Business Review ayaa muujisay in 80% dadka guuleystay ay qirteen inay waqti adag ku qaadatay ka bixitaanka aaggooda raaxada, laakiin go’aankaasi uu u horseeday horumar la taaban karo.
Sida Looga Baxsan Karo Aagga Raaxada
1. Cabsidaada Aqoonso Oo Waliba Si Cilmiyaysan u Wajah.
Waxaad ku bilowdaa inaad isweydiiso:
- Maxaan ka baqayaa?
- Maxay nolosheydu noqon lahayd ama siday ahaan lahayd haddii aan arrintan isku dayo?
Tusaale Nool: Oprah Winfrey, oo loo tixgaliyo inay tahay halyeeyada warbaahinta waxay markii ugu horraysay ka baqeysay inay martigeliso barnaamijyo caalami ah, laakiin markii ay ka baxday aaggeeda raaxada, waxay noqotay astaan caalami ah oo guulaysata.
2. U Qaybi Hadafkaaga Tallaabooyin Yar-Yar
Marka aad ku sii socoto meel cusub oo ka baxsan raaxadaada ha isku dayin inaad hal mar wax walba sameyso. Halkii aad ka bilaabi lahayd go’aanno waaweyn, ku bilow tallaabooyin yar yar oo waliba fudud.
Tusaale: Haddii aad rabto inaad hadal ka jeediso goob dadweyne, ku bilow inaad hadallo gaagaaban ka jeediso qoyskaaga ama saaxiibbadaada hortooda ka hor intaadan u gudbin goobaha waaweyn.
3. Qaado Mas’uuliyadda Guuldarradaada.
Guuldarrooyinka u arag fursado wax lagu barto halkii aad ka niyad jabi lahayd. Khaladaadka ayaa ah casharro muhiim ah oo kaa caawinaya inaad xoojiso awooddaada. Ogowna cashirada aad kabarto khaladaad-kaaga waa macalinkaaga ugu fiican ee nolosha mana jirto meel kale oo aad ka heli karto.
Daraasad: Cilmi-baaris uu sameeyay Stanford University ayaa muujisay in dadka aqbala guuldarrooyinka ay 40% ka horumaraan kuwa ka carara khaladaadka.
4. Raadi Xiriirro Dhiirrigelin Leh
Isku xeer dadka kugu riixaya inaad ka baxdo aaggaaga raaxada. Kooxaha dhiirrigelinta leh waxay kaa caawin karaan inaad isku daydo waxyaabo aadan waligaa isku dayin.
Tusaale Nool: Elon Musk wuxuu sheegay in saaxiibbadiisa qaar ay ka caawiyeen inuu wajahayo cabsida la xiriirta guuldarrada SpaceX, taasoo ugu dambayn keentay guul weyn.
Maxay tahay Faa’iidada Ku Jirta Ka Baxitaanka Aagga Raaxada?
1. Xirfado Cusub
Waxaad baranaysaa xirfado cusub oo kuu sahli doona inaad hesho fursado shaqo iyo horumar nololeed.
2. Guul Shaqsiyadeed iyo Mid Bulsho
Markaad cabsida ka gudubto, waxaad noqonaysaa qof kalsooni leh oo bulshada qiimo ugu fadhiya.
2. Fursado Waa Weyn
Waxaad heli kartaa fursado cusub oo noloshaada dhanka wanaagsan u beddelaya.
Tusaale Nool: J.K. Rowling, qoraaga Harry Potter, waxay ka baxday aagga raaxada markay noqotay qof hal-abuur leh oo qoraalkeeda ku dhiirrigelisa inay sii wadato, inkasta oo la diiday buugeeda dhowr jeer.
Gabagabo
Aagga raaxada waa meel ku dareensiisa amaan, laakiin sidoo kale waa caqabadda ugu weyn ee kaa celinaysa guusha. Ha ka baqin inaad wajahdo cabsi, guuldarro iyo waxyaabo cusub. Markaad ka baxdo aagga raaxada, waxaad furaysaa albaabo cusub oo noloshaada kor u qaadaya. Bilow maanta inaad qaaddo tallaabo yar-yar oo aad naftaada ku riixdo.
waa qormo cajiib ah runtii walaal shukran
Mahadsanid walaal. soo dhawoow