Ma Aragtiyaha Dadka Kale Ayaa Kaa Hortaagan Horumarkaaga?

Ma Aragtiyaha Dadka Kale Ayaa Kaa Hortaagan Horumarkaaga?

Sidee Looga Xoroobo Fikirka Dadka Kale Loona Bilaabo Maalgashiga Naftaada

Inaad gaarto guul nololeed iyo dhaqaale kobcin waxay ku xiran tahay go’aamada aad adigu gaarto, ee ma aha kuwa dadka kale kuugu tilmaamaan. Dad badan ayaa maanta u baahan horumar nafeed, ganacsi, xirfad, ama dhaqaale, balse waxa u diidayaa kaliya waa: “Maxay dadku iga dhihi doonaan?”

1. Aragtiyaha dadka kale waa sil-siladda Aan La Arkin ee Xir-xirta Mustaqbalkaaga!

Dadka ugu badan ee guuldareysta nolosha, islamarkaana shaqo la’aan ku nool, ama aan ku tallaabsan horumar dhab ah  ma aha inay karti la’aan yihiin, ee waa inay ku tiirsan yihiin aragtiyaha dadka kale. Waxaa laga yaabaa:

  • In saaxiibkooda yiraahdo: “Ganacsigaas ma shaqeynayo.”

  • In qoyska yiraahdaan: “Shaqadaas afka qalaad ah ma kuu fiican tahay?”

  • In bulshadu ku tidhaahdo: “Waa nin meelkasta gala ama aan waxba ka tagaynin” 

Markaad noqoto qof aragti walba maqla, waxaad noqonaysaa qof weligii taagan, oo aan tallaabo qaadin.

others thought will effect you

2. Badanaa Fikradaha Dadku Waa Raqiis 

Qof walba wuxuu leeyahay fikir, fikradaha waa sida hawada meel kasta way yaallaan. Waxay kuu sheegayaan waxaad samayn karto, laakiin badankoodu ma ahan kuwo noloshooda wax ka beddelay.

Tusaale:

  • Nin dhalinyaro ah oo raba inuu furo ganacsi yar (tusaale: Mobile Repair Shop) ayaa dhamaan saaxiibadii ku yiraahdeen: “Magaalada waxba lagama helayo, dadna lacag ma hayaan. oo wax lacuno ayaaba la’layahay”
    Wuuna maqlaa, wuxuuna joojiyaa fikirkii.
    Laakiin nin kale oo fikirkaas iska indho tira, isla ganacsigii ayuu bilaabaa – 6 bilood gudahood wuxuu noqdaa mid dadku saf ugu jiraan mobile-kooda u hagaajinaya dhanka kalena isla kuwii lahaa waxaas iska dhaaf shaaha iyo sharaabka ka bixinaya.

Farqiga u dhexeeya labada qof? Mid wuxuu ku noolaa aragtiyaha dadka kale, midna wuxuu rumeeyey naftiisa.

ideas are everywhere

3. Naftaada Rumayso oo iyada uun cusko

Waa Bilowga Maalgashiga Dhabta ah

Haddii aadan adigu is rumayn, cid kale kuuma rumayn doonto.
Rumeynta naftaada waa tallaabada ugu horreysa ee aad ku bilaabi karto:

  • Maalgashiga xirfad cusub (sida suuqgeynta dijitaalka ah, barashada kombuyuutarka, ama naqshadeynta)
  • Bilaabidda blog, channel YouTube, ama ganacsi online ah
  • Ka qaybgalka tababarro kor u qaadaya xirfadahaaga

Tusaale:
Ayaan waa gabadh Soomaaliyeed oo ku nool Jigjiga. Waxay bilawday in ay online ka barato graphic design. Dad badan baa ku yidhi: “Ma lacag baa laga helaa sawir barasho?”
Waxay iska indho tirtaa aragtidooda. 6 bilood kadib, waxay heshay shaqo freelance ah oo $150 bishii ah, kadibna si joogto ah uga shaqaysay Upwork. Maanta waxay bixisaa tababarro dad kale ka faa’iideystaan.

Waxay maalgashatay nafteeda, waxayna beddeshay nolosheeda, kadib markay iska indho tirtay aragtiyihii raqiiska ahaa ee dadka kale.

success starts after fuilure

4. Aragtiyada dadka yaysan noqon caado Ku dhex Dagaasha Maskaxdaada

Qofka aragtiyaha dadka ka dhex baxa, waa mid is fahamsan. Waxaad kala baran doontaa:

  • Dadka aan fiicnayn waxay kugu neceb yihiin guushaada

  • Dadka liita waxay nacaan isbedelkaaga

  • Dad badan waxay jecel yihiin inaad la mid noqoto (isbadel la’aan, cabsi, iyo guul la’aan)

Laakiin waxaad ogaan doontaa in:

  • Dadka kaa masayra ay yihiin kuwaan naftooda horumarin

  • Talada dad badani tahay “Yeel ama noqo sidaan anigu sameeyey, in kastoo aanan guulaysan.”

Ha noqon sawir ay dad kale gacantooda ku farshadeen ee Noqo ninka  noloshiisa ama qisadiisa isaga uun qora.

Maskax Guuleyste Waa Maxay?

5. Sidee Horumar Nafta iyo Dhaqaale Loo Bilaabaa?

Marka aad go’aan sato inaad naftaada maalgashato, waxaad sameyn kartaa tallaabooyin dhaba ah:

Baro xirfad suuqa looga baahanyahay:

Tusaale: Graphic Design, Video Editing, Freelance Writing iyo kuwo kale oo aad u badan

Samee jadwal nolosha ah

Ku qor yoolal: 1 bil gudaheed waxaan baranayaa X, 3 bilood waxaan kasbanayaa X, sanadkaan waxaan doortay inaan shaqo freelance bilaabo.

Waqtigaaga u maamul si xikmad leh:

Ka fogow saacado badan oo TikTok ama Facebook la iska dhex socdo. Halkii aad 3 saac u dhumin lahayd sheekooyin, 1 saac ka dhig waxbarasho iyo 2 saac shaqo online ah.

Noloshaada dhaqaale si tartiib ah u dhis

Maaha inaad maanta taajir noqoto. Balse waxaad bilaabi kartaa kayd, cilmi, iyo qorshe. Ganacsi yar, shaqo internet, ama xirfad la iibiyo.

smart goal

Gunaanad:

Ma Naftaada Ayaad Maanta Maalgashan Doontaa Mise Aragtiyada Dadka Kale Ayaad Sugaysaa?

Dunidu ma sugayso cid sugeysa cid kale. Haddii aad doonayso horumar, waa inaad maanta go’aan qaadato. Ka xorow cabsi, ka xorow ra’yiga dad kale, ka xorow xanta, kuna dhiirroow inaad noloshaada dhisto adigoo isku kalsoon.

Maanta waa waqtiga ugu fiican ee aad naftaada u maalgelin karto. Maalin walba oo aad sugto, waxay noqonaysaa maalmo kale oo lumay. Go’aan ka qaado hadda hana u ogolaan dadka kale inay mas’uul ka noqdaan masiirkaaga.

Talo:

Soo booqo Dhabta.com si aad u hesho maqaallo kale oo kugu dhiirrigelinaya horumarinta nafta, kobcinta dhaqaalahaaga, iyo sidii aad u noqon lahayd qof ay maskaxdiisu xor tahay.

Kader Abdi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *