Maxaa hoos u dhiga Ehiirigalinta?
Dhiirrigelinta waa sida shidaalka nolosha: haddii ay yaraato, wax kasta oo aad qorsheysay si sahlan ayey u istaagaan. Laakiin waligaa ma is waydiisay sababta ay dhiirrigelintaadu u yaraato, xitaa marka aad leedahay himilooyin cad iyo riyooyin waaweyn?
Jawaabta saxda ah waxay noqon kartaa: waa deegaanka kugu xeeran.
In badan oo dadka kamid ah waxay ku mashquulsan yihiin inay is beddelaan, iyagoo iska indho tiraya inay Marka hore badalaan deegaanka ay joogaan. Balse xaqiiqdu waxay tahay in deegaanku uu yahay mid ka mid ah waxyaabaha ugu saameynta badan ee is badalka noloshaada si lamid ah dhiirrigelintaada.
1. Deegaankaagu ma kugu riixayaa horumar mise wuu kaa celinayaa?
Qolka aad ku shaqeyso, dadka aad la joogto, buuqa cad dhaafka ah, nadiifnimada qolka ama deegaanka, iyo xitaa iftiinka dhammaan waxay door weyn ka ciyaaraan sida aad u fikirto, u dareento iyo u dhaqanto.
Cilmi-baaris badan ayaa muujisay in dadka ku jira deegaan nadiif ah, leh iftiin dabiici ah, ay u badan tahay inay la yimaadaan firfircooni, fikir hal-abuur leh, iyo go’aan qaadasho degan oo cilmi iyo daraasaad ku salaysan.
Tusaale: Haddii aad ku shaqeyso meel qasan oo buuq badan, maskaxdaadu si fudud ayey u daaleysaa, taasoo si toos ah u yareyneysa wax-qabadkaaga iyo dhiirrigelintaada.
2. Saaxiibadaada iyo dadka kugu dhow ma ku dhiirrigeliyaan mise way ku niyad jabiyaan?
Qof walba wuxuu leeyahay saameyn. Haddii dadka kugu xeeran ay yihiin kuwo aan wax qorshe lahayn, aan ku dhiirrigelin, ama had iyo jeer xumaan ka hadla, waxaa hubaal ah in adiga kugu adkaan doonto inaad isbadasho ama guulaysato xataa dhiiranaato.
Dhanka kale, haddii ay kugu hareeraysan yihiin dad fir-fircoon, dadaal badan, Qorshe ku shaqeeya islamarkaana rajo leh oo waliba taageero kula garab taagan markaa dhiirrigelintaadu si dabiici ah ayey u kori doontaa.
3. Teknoolajiyadda iyo qalabka casriga ah maku caawiyaa mise waa carqalad?
Haa sida aad fahantay waxa aan kahadlayno waxa ugu horeeya waa taleefankaaga casriga ah wuxuu kuu yahay aalad wax-tar leh, laakiin sidoo kale wuxuu noqon karaa mid waqtigaaga iyo tamartaada baabi’iya.
Baraha bulshada, farriimaha joogtada ah, iyo digniinaha aan dhammaanayn waxay dhaawici karaan feejignaantaada iyo dhiirrigelintaada.
➡️ Xalka? Samee xuduudo. Iska xir dhamaan ogeysiisyada marka aad shaqeyneyso, abuur jawi xasiloon, kuna dadaal in aad yeelato waqti qalabka laga fogaado.
4. Nadiifinta iyo nidaaminta deegaanka iyo muhiimada ay leedahay.
Meel nadiif ah oo si fiican loo habeeyey waxay kaa caawisaa inaad si hufan u fikirto. Waxaa la og yahay in nadiifintu ay si toos ah ula xiriirto maskax furnida iyo xasiloonida.
💡 Talo: U samee shaqadaada meel gaar ah, nadiifi maalintii hal mar ugu yaraan, kuna qurxi waxyaabo kuu keenaya fir-fircooni, sida geedo yaryar ama sawir dhiirrigelin leh.
5. Sidee lagu dhisaa deegaan dhiirrigelin keena?
- Dooro meel nadiif ah, deggan, oo iftiin fiican leh.
- Ka fogow dadka niyad-jabiyeyaasha ah haddii suurtagal ay tahay.
- Qorshee wakhtigaaga si aad u ilaaliso xasilloonida gudaha.
- Isticmaal sawirro, weedho dhiirrigelin ah si aad u xoojiso tamartaada.
- Ku celceli caadooyin wanaagsan maalin kasta.
Gabagabo:
Deegaankaagu waxa uu kuu noqon karaa sababta aad ugu guulaysan waydo riyadaada ama sababta aad ku gaari karto meel aanad waligaa filayn. Haddii aad rabto dhiirrigelin joogto ah, ka bilaaw in aad bedasho deegaankaaga.
Wax kasta oo aad isbedel dhab ah ka rabto bilow isla maanta. Kana bilow isla halkaan.
👉 Akhri qormooyin dheeraad ah oo dhiirrigelin iyo horumarineed ah www.dhabta.com